Dhuusamareeb | QOL | Axad, July 21, 2019 — Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan ayaa ammaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Bulshada magaalada dhuusamareeb oo ay hor kacayeen maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada is bilicda magaalada sare loogu qaado.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka.
Howsha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan
Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo qayb ka ah dadaallada dhismaha Galmudug dhammaystiran oo sal adag.
.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________