Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirka Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug qeybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusamareb.
Wafdiga Madaxweyne waare ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana wararka sidoo kale sheegayaan in Madaxweyne Waare iyo Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay ka wada hadli doonaan xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________