1086 Views

Maxaa looga hadlaya kulanka Golaha Shacabka ee maanta

Maxaa looga hadlaya kulanka Golaha Shacabka ee maanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 06, 2019—Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 6/7/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

 

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

 

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

 

Kulamadda Xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan kulanka, islamarkaana Cidii maqnaata lala xisaabtami doono.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment