Muqdisho | QOL July 06, 2019—Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa weerar ah Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay maamulka gobolka Banaadir faragalin ku heyso.
Waxaa uu sheegay Gudoomiye Yariisow in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay dooneyso maamulida howlaha Caafimaadka ee gobolka Banaadir loo idmaday.
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay Buug maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray oo laga rabo in ay qaataan dadka aadaya dalka dibadiisa.
Waxaana buuggaasi qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ay ku tilmaameen Caqabad bulshadda lacago looga sameynaayo.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________