Muqdisho | QOL July 01, 2019—Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa Maanta Magalada Kismaayo waxaa uu kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Kenya eek u howlgalla Magaca AMISOM .
Kulanka ayaa waxaa goobjog ka ahaa Xubno ka tirsan Xildhibaanada iyo Wasiirada Jubbland,waxaana looga hadlayya ariimo ku saabsan Amniga Jubbaland iyo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa in ciidanka AMISOM iyo Jubbaland ay ka wada shaqeeyaan la-dagaalanka Al-shabaab iyo in si joogta ah ay u wada bilabaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________