Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) iyo qaar ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Amniga Jubbaland,waxaana looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ka wada shaqeynta Amniga guud iyo doorashoooyinka Jubbaland oo la filayo inay dhacaan Bisha Agoosto ee Sanadkaan 2019.
Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa musharixiinta ka dalbaday inay Maamulka kala Shaqeeyaan dhinaca amniga si doorashada u dhacdo sidii loogu talo galay.
Warkaan oo faah faahsan kala socda Radiorisaala.com
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________