Muqdisho | QOL | June 15,, 2019 –Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxana uu ka dhacay isgoyska Sayidka gaar ahaan goob lagu ilaaliyo Golaha Shacabka.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo gaariga qarxay rasaas ay ku fureen ciidamada ammaanka kahor inta uusan qarxin.
Lama oga qasaaraha uu geystey qaraxa hase yeeshee waxaa uu qaraxan dhacay xilli xildhibaanada baarlamaanka ay ka soo baxayeen Xarunta Golaha Shacabka oo maanta uu ka socday kulan ay xildhibaanaduu yeelanayeen.
Wixii ku soo kordha wararka qaraxa kala soco jowhar.com
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________