Muqdisho | QOL | June 15,, 2019 –Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay sagaal qof oo ka soo jeeda degaannadaas.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan ayaa sheegay in dhamaan dadka lagu laayay Gaalkacyo ay ka soo jeedaan degaannadooda.
Waxaa uu sheegay in Maamulkooda uu baaritaan ku wado sababta iyo cidda dishay dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed ee lagu laayay Gaalkacyo.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in dadka deggan Magaalada Gaalkacyo ee ka soo jeeda Koofur Galbeed aysan xalay guryahooda seexan.
Dhawaan ayey ahayd markii 4 qof oo ka soo jeedda degaannada Koofur Galbeed lagu dilay degaanka Bulacle ee Gobolka Galguduug.
Maamulka Galmudug ayaa horay u beeniyay in dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed lagu amray in ay isaga baxaan degaannada Galmudug, kaddib markii warkaas ku faafay baraha Bulshada.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________