![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2014/10/anz-ad-for-qol-anim.gif)
Muqdisho | QOL | June 11,, 2019 –Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed”.
Qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu shaaciyay in loo haysto Yuusuf Dabageed illaa toban dambi oo ay ka mid yihiin ku xadgudub dastuurka Hirshabelle,abaabulid dagaal sokeeye,kutumasho astaan dowlad goboleed iyo mid qarameed iyo qaar kale.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dhowaan uu xilkii ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuusan aqbalayn xilka qaadista.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________Advertisement
_____________________________________________________________________________________![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2014/10/anz-ad-for-qol-anim.gif)
![](https://www.qaranimo.com/wp-content/uploads/2019/06/horseedsc.jpg)