Muqdisho | QOL | June 04,, 2019 –Deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa siweyn looga ciidayaa Maalinta koowaad ee Ciidul fidriga,iyada oo shalay deegaanadaas laga soomanaa,halka inta badan Gobolada Soomaaliya iyo Caalamka laga ciidayay.
Deegaanada Galmudug ee Maanta lag ciidayo Maalinta Koowaad ayaa waxaa ka mid ah demooyinka, Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq iyo tuulooyin kale,halkaas oo ay gacanta ku hayaan Maamulkii Gobolada Dhexe ee ahlusunna kuna biiray Maamulka Galmudug
Madaxa Xakuumada Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Maanta Saalada Ciida kula tukaday Masjidka Madaxtooyadda Caasimadad Dhuusamareeb Dhamaan Madaxda sare ,Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Maxamed Shaakir ayaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u Diray Dhamaan Ummadda Muslimiinta , Shacbiga Soomaaliyeed iyo Ummada Galmudug , uguna Duceeyay Nabad iyo Baraaro.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________