Muqdisho | QOL | June 03,, 2019 –Madaxweyne Trump ayaa ku sii jeeda Britain halkaas oo ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah.
Arrintaas ayuuna ku tilmaamay safar aad muhiim u ah, dhanka kalana Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in ay tahay fursad lagu sii xoojin karo calaaqaadka aadka u wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.
Balse siyaasadaha labada dal ayaa kala duwan marka ay timaaddo xaaladda Iiraan iyo isbadalka Cimilada Adduunka. Iyadoo arrinta booqashaduna ay taagan tahay, safiirka Maraykanka u fadhiya Britain ayaa ka digay in London ay la macaamisho shirkadda Huawei ee Shiinaha laga leeyahay, gaar ahaanna marka ay timaaddo khadka casriga ah ee 5G loo yaqaanno.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________