1359 Views

Monica Juma oo sheegtay inaysan ogeyn madax Soomaali ah oo dib looga celiyay Kenya

Monica Juma oo sheegtay inaysan ogeyn madax Soomaali ah oo dib looga celiyay Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Wasiirka Arrimaha Dibbada dowlada Kenya Monica Juma ayaa ka hadashay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo dib loogaga celiyay dalka Kenya.

 

Juma oo ka hadlaysay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegtay inaysan ka warqabin mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo loo diiday in ay soo galaan dalka Kenya.

 

“Annagoo dhan waxaan ku safarnaa dal-kugal ama visa,haddii aadan wadanin viso waa ay adkaaneysaa inaad dal gashid. Laakiin waan la yaabayaa haddii qof sitay viiso dib loo celiyo.”ayay tiri Juma.

 

Saddex mas’uul oo Soomaali ah oo qeyb ka ahaa wafdi ka qeybgali lahaa shir ka furmayay dalka Kenya ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

 

Warka soo yeeray wasiirka arrimaha dibbada Kenya Monica Juma ayaa u muuqda mid sii xoojinaya go’aanka ay dowlada Kenya ku gaartay in qof aan fiiso wadan ha wato baasaboor diblumaasi ama mid shaqo inuu u galo gudaha dalka Kenya.

 

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibada Kenya Juma ayaa sheegtay inaysan wax waanwaan ah ka galayn lacag madax furasho ah oo lagu sii deynayo labo dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaasoo laga soo afduubtay gudaha dalka Kenya haatana lagu hayo dalka Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment