Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax ay Al-shabaab la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku waxyeelleeyeen Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.
Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii ka dhacay Daljirka,isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.
Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaanka Al-shabaab,waa sida hadalka loo dhigay .
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________