Muqdisho | QOL | May 20, 2019–Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay maxkamadda Darajada Koowaad ku xukuntay labo eedeysane, kuwaasoo loo heysto inay ka dambeeyeen qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Labada eedeysane ayaa racfaan ka qaatay xukunkii horay ay ugu riday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, iyadoo maanta ugu dambeyn ay go’aan soo saartay Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Canshuur Cusmaan Abuukar (Asad) iyo Maxamed Calio Boorow (C/xakiin), kuwaasoo horay dil toogasho lagu xukumay.
Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u qornaa Sidatan.
“MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen Xukunsaneyaal:-
1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 jir ah ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo.
MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha.
MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha.
MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) oo uu ka hor qoray garsooraha hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsanaa Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa,
Sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday 09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.
MARKAY ARAGTAY: Qiraalka eedeysane 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) uu ka hor bixiyay Garsoorka Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida in uu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxa ay ciidanka amnigana gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon.
MARKAY DHAGEYSATAY: markhaatiyaasha la horkeenay maxkamadda sare Ciidamada Qalabka Sida mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamadda ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada Racfaanle ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen intii ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.
MARKAY DHAGEYSATAY: doodii dhinacyada Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenka difaaca Racfaanlayaasha.
MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA WAXAA U CADAATAY IN:
1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay.
WAXAYNA KU RAACDAY
Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa DIL TOOGASHO AH, oo ah qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________