Muqdisho | QOL | May 13, 2019Madaxweyne ku xigeenka 1 aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa shir deg deg ah la qaatey Saraakiisha Taliska Ciidamada Amisom ee ka howl-gala gobolka Gedo.
Kulankaan oo ka dhacay degmada Ceelwaaq ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka gedo,iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa AMIOSM gaar ahaan kuwa Kenya ay gobolkaasi ku sugan yihiin.
Saraakiil ka tirsan kuwa AMISOM ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland kala Shaqeyn doonaan sugida Amniga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________