Muqdisho | QOL | May 13, 2019–Ciidamada Xoogga dalka oo tagay deegaanka Moordiinle ee hoostaga deegaanada Sabiib iyo Canoole ayaa shacabka ku dhaqan deegaanka u qeybiyay daawooyin caafimaad xilli dadka ay ka cabanayaan xaalado caafimaad daro.
Sidoo kale, dhaqaatiir ka socota Ciidanka Xoogga dalka ayaa xog wareysi caafimaad la yeeshay dadka jilicsan ka dibna qaar baaritaano gaar ah u sameeyay.
Dhaqaatiirta Ciidanka Xoogga dalka ee Baaritaanka caafimaad u sameynayay shacabka ku dhaqan deegaanka Mooradiinle ayaa sheegay in mudo 7-sano ah aysan helin daryeel caafimaad sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka xoogga dalka.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibaahim Aadan Cali Najax ayaa kormeeray furumaha hore ee ciidanka Xoogga dalka ay lu leeyihiin deegaanada Sabiib iyo Caanoole si loo dhiira geliyo ciidanka ee dagaalka kula jira Shabaab.
Guddoomiye Najax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka ay u diyaarsan yihiin sidii ay Shabaab uga saari lahaayeen Guud ahaan Gobolka Shabeelaha hoose.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________