1467 Views

Duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka

Duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | May 09, 2019 –Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacday deegaano ka tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Maamulka Jubbaland,taas oo la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

 

Saraakiil ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta oo dhacday laba jeer in tan hore lala beegsaday Xarun uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo ,magaciisa lagu soo koobay Maxamed halka tan labaad lala beegsaday Saldhiga Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jamaame,isla markaana lala beegsaday Sarkaal lagu Magacaabo Cabdi Nuur Xuseen kana mid ah saraakiisha ugu dhow hoggaanka sare ee Al-Shabaab.

 

 

Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in ilaa 5 ruux  lagu dilay weerarkaasi duqeynta ah ee xalay ka dhacday degmooyinka Jilib iyo Jamaame ee Gobolada Jubbada Hoose Jubbada Dhexe,waxaana dad ku sugan degmooyinkaas ay sheegeen inay cabsi dareemeen.

 

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin duqeynta la sheegay in xalay ka dhacday degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka,waxaana inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya Mareykanka oo taageera Millateri siiya Dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment