Muqdisho | QOL | Abriil 29, 2019 —Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay kulan uu iskugu yeeray Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka.
Mas’uuliyiin ay ugu horeeyaan Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed “Amar-Dambe
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali kheyre ayaa sida la sheegay waxa uu faray Taliyaha Ciidan xoogga iyo Wasiirka Gaashaandhigga in la dardar galiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
“Waxaan maanta guddoomiyay shir aan isugu yeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga & Maaliyadda oo aan uga hadleynay dib-u-habeynta ciidamada iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________