Muqdisho | QOL | Abriil 23, 2019 –Dowladda Pakistan waxay shalay oodda ka qaaday in ka badan 100 Kalluumeysato Hindi ah, kuwaasi oo la qabtay, xilli ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen Xuduud-baddeedka Pakistan.
Sii-dayntooda ayaa lagu micneeyey Niyad Wanaajin, waxaana Kalluumeysatada lagu wareejiyey Mas’uuliyiinta Hindida ee ku sugan goobta laga tallaabo Xuduudka ee Wagha ee u dhexeysa labada Waddan.
Idaacadda Express News ayaa sheegtay in Kalluumeytadaasi la sii daayey ay yihiin qeybtii 3-aad ee Kalluumeystada Hindiya ee bishan laga sii daayey Xabsiyadda dalka Pakistan.
Bilowgii bishan, Dowladda Pakistan waxay ku dhawaaqday in la sii dayn doono 355 Kalluumeysato Hindi ah iyo 5 Maxaabiis, kuwaasi oo dhamaystay xabsigi ilagu xukumay.
Kalluumeysatada Hindida ee ku harsan Xabsiyadda Pakistan waxaa la filayaa in la sii daayo bishan April 29-da.
Tallabadaasi waxaa soo dhaweeyey dadka u ololeeya Nabadda, iyadoo ay dalalka Pakistan iyo Hindiya bsihii Feberaayo isweydaarsadeen duqeyn dhanka cirka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________