1536 Views

DEG DEG:-Hoyga Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Laga Helay Shandado Ay Ka Buuxaan Lacago Kala Duwan

DEG DEG:-Hoyga Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Laga Helay Shandado Ay Ka Buuxaan Lacago Kala Duwan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 20, 2019 –Ilo Sirdoonka Milliteriga dalkaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in  hoyga Cumar Xasan Al-bashiir laga helay shandado ay ku jiraan in ka badan 351,000 oo Dollar, 6 million oo Lacagta EURO iyo 5 million ee Giniga dalka Suudaan.

Ilo dhinaca Garsoorka oo la hadlay REUTERS ayaa iyagana sheegay inuu Dacwad-oogaha Dowladda amray in la soo xiro Albashiir  iyo in ay si degdeg ah wax loo weydiiyo, si loo soo maxkamadeeyo.

Dacwad-oogaha ayaa lagu wadaa inuu Madaxweynihii hore ee dalkaasi su’aalo ku dhex weydiiyo Xabsiga uu ku xiran yahay ee Kobar oo ku yaalla magaalladda Khartuum.

Tallaabadan ayaa soo baxday, kadib, markii u uDacwad-oogaha bilaabay baaritaankadacwado la xiriirta inuu Albashir lacago xawishay.

 

Ururka Xirfadlayda Suudaan ee horkacayey Dibadbaxyadda  waxay ku baaqeen in  lala xisaabtamo Al-bashiir iyo Maamulkiisa o oay ku eedeeyeen inay geysteen Musuq iyo inay fududeysteen  Xiisahii Dhaqaale-xumida ee sannadihii ugu dambeeyey ee Xukunkiisa.

Dhinaca kale, Qaraabadda Albashiir waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Baaritaanka la sheegay in lagu bilaabay Albashiir, iyadoo ilo ka tirsan qoyskiisa ay  isbuucii hore sheegeen in Al-bashiir loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee magaalladda Khartuum.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment