Muqdisho | QOL | April 17, 2019 – Qarixii maanta ka dhacay wadada dabke agagaarka Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka Xafiiska Booliska Soomaaliyeed war ka soo saareen.
Taliye kuxigeenka Ciianka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday gari noociisu yahay Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ee Magalada Muqdisho.
“Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo ayay tiri Taliye Zakiya.
Shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqday inay in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991, sidoo kale waxa ay dalbatay in qof walba uu fiiro u yeesho halka uu dhigayo gaarigiisa.
.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________