Muqdisho | QOL | April 14, 2019 –Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Baarlamaanka lagula kacay falal aan habooneyn, isagoo tusaale u soo qaatay in warbaahintii loo diiday kulankii Baarlamaanka ee maanta looga hadlayay dooddii Amniga la xiriirtay.
C/raxmaan C/shakuur ayaa weerar toos ah ku qaaday Kusimaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo maanta ka soo muuqday Kulanka Baarlamaanka, isagoo sheegay in isaga dartii loo yeelayo waxa ka socda Baarlamaanka.
Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idil na waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Warbaahinta ayaa loo diiday inay maanta goobjoog ka noqoto kulanka Amniga looga hadlayo ee su’aalaha lagu weydiinayo Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada.
Fahad Yaasiin oo horay u soo ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka Al Jazeera ayaa tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray noqday nin iska qariya fagaarayaasha iyo Warbaahinta, taasoo lagu tilmaamay dhaqan ka duwan dadka siyaasadda ku jira, inkastoo uu yahay nin saameyn badan, hadana ficiladiisa qaar ayaa loo arkaa sida kuwa Kooxaha Islaamiyiinta qaar ee is qariya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________