Muqdisho | QOL | April 10 2019–Senatarada golaha aqalka sare BFS ayaa maanta yeeshay kalfadhigii 5aad Kulankiisa 2aad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku-xiggeenka 1aad golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari”.
Ajandaha ayaa ahaa Akhrinta 1aad ee hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaadka, Wasiirka Caafimaadka XFS iyo xubno ka mid ah howl wadeenada wasaarada ayaa xarunta golaha ku sugnaa.
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa faah faahin ka bixisay hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaad iyo faa’iidada uu u leeyahay Soomaaliya.
Qaar ka mid ah senatarada golaha aqalka sare ayaa su’aalo ka weydiiyay Wasiirka Caafimaadka hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaad, Waxaana iyaddoo wasiirka ka jawaabaysay su’aalaha qaar ay sheegtay in wax badan laga faa’iidayo oo xaga la Xisaabinta dhaqaatiirta Ajnabiga ah iyo Oggaanshaha ganacsiga dawada dalka la keeno iyo tayadooda.
kulanka ayaa waxaa soo xeray guddoomiye ku-xiggeenka 1aad ee golaha aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed, wuxuuna sheegay in guddiga uu quseeyo sharcigaan lagu wareejinayo, senataradana ay soo akhrisanayaan si looga doodo kulamada danbe.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________