1419 Views

Sawirro:-Wafdi Ka Socda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Dalka Oo Gaaray Garoowe

Sawirro:-Wafdi Ka Socda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Dalka Oo Gaaray Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 07, 2019 –Wafdiga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay ku jireen Xildhibaano Golaha Shacabka ka tirsan iyo Guddoomiyaasha Golayaasha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedyada Dalka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Xakiim Maxamed Axmed Dhoobo ayaa ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Magaaladda Garoowe.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa,wuxuuna sheegay in garoowe  inta ay joogaan kaga qeyb gali doonaan shirka Golayaasha sharci dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada,uuna ka rajeynaayo in ay kasoo baxaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad ee ay yeeshaan,waxaana uu si rasmi ah uga furmi doonaa magaaladda aroowe maalinta berri ah,isagoo socon doona sedaxda maalin ee soo socota.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment