Muqdisho | QOL | April 07, 2019 –Xildhibaanadda Labada Gole ee Barlamaanka dalkaasi kulan yeelan doonaan maalinta Isniinta ee soo socota, si ay u doortaan Madaxweynaha bedeli lahaa C/casiis Butafaliiq oo dhawaan iska casilay xilkaasi, kadib, markii ay dhaceen Dibadbaxyo looga soo horjeeday.
Wakaalladda Wararka dalkaasi ee APS News Agency ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Barlamaanka, C/qaadir Bin Salax oo 77 jir ah loo dooran doona Madaxweynaha Cusub, kaasi oo xilka hayn doono inta laga dooran doono Madaxweynaha rasmiga ee dalkaasi muddo 90 malamood gudaheeda.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________