Muqdisho | QOL | April 06, 2019 –Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab,iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab ayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho waxa ay wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________