Muqdisho | QOL | April 03, 2019 –C/casiis Keerow oo 45 jir ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda City Heights ee magaalladda San diego ee Gobalka California ee dalkaasi. Eedeysnaaha waxaa lagu so ooogay dilkii Xaaskiisa, Marxuumad Muna Salaad Kuri oo 35 jir ahayd, taasi oo maydkeeda laga helay Dhismihii ay wada deganaayeen bishii la soo dhaafay ee Maarso 2-dii .
Maxkamaddu waxay Eedeysanaha dul dhigtay lacag damiin ah oo dhan 5 million oo Dollar, si loo sii daayo, inta ay Maxkamadda dib u dhegeysan doonto dacwaddiisa bishan April 12-dii. Boliska dalka Maraykanka waxay Eedeysanaha oo baxsad ah ka soo qabteen dalka Panama bishii la soo dhaafay ee March 20-da.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________