Muqdisho | QOL | April 03, 2019 –Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faahfaahin ka bixiyay Caqabaddaha hortaagan in si deg deg ah loo dhameystiro Dastuurka dalka.
Waxaa uu sheegay in Guddiga ay soo wajaheen Caqabado badan oo ay qeyb ka yihiin Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda, Khilaafka labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in guddiga aysan heysanin dhaqaallo ku filan oo ay ku dardargelin karaan howlaha loo idmaday.
10 Cutub ayuu sheegay in la diyaariyay, islamarkaana hadda ay hartay kaliyah 5 Cutub oo dhawaan ay soo dhameystiri doonaan.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________