Muqdisho | QOL | Maarso 31, 2019 –Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka Baraha Bulshada isticmaala ee u nool deegaanada soomaaliland waxa ay faafinayeen in Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Baarlamaanka uu socdal qarsoodi ah dhulka Yahuuda ee Israa’iil.
Hayeeshee Wasiirka Dastuurkja Soomaaliland Maxamed Xaaji Aaden ayaa warkaasi been abuur ku tilmaamay,isaga oo sheegay in isagu uu joogo Soomaaliland,isla markaana wax walba oo la qorayo la iskula xisaabtamayo.
“Horta anigu Soomaaliland ayaan joogaa,laakin waxaan idin sheegayaa in waxa la sheegayo iyo waxa la qorayo in leyskula xisaabtami doono Aduun iyo Aakhiro,waxaana la yaabanahay` in shaqsi ama hay’addo warar been ah ay iska abuuraan ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Soomaaliland.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal haayey xiisada Israa’iil oo Mareykanku u aqoonsaday inay leedahay Dhul ka mid ah Siiriya,waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay Shaqada ka ceyrisay Agaasime taageero u muujiyey Israa’iil.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________