Muqdisho | QOL | Maarso 27, 2019 –TMaamulka Degmada Garoowe ee Puntland ayaa soo saaray Amaro cusub oo ku socda dhammaan Darawalada gaadiidleyda Basaska ah (BL-ka) ee ka howlgasha Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Amaradaan cusub ay soo saareen maamulka Degmada Garoowe ayaa waxa gaadiidleyda ka howlgasha Garoowe lagu amray in aysan furi karin Albaabka dhanka laamiga xiga, si looga fagaado Shil Khasaaro Nafeed geysta ama mid hantiyeed.
Wareegto ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmada Garoowe ahna Duqa Caasimadda Puntland Axmed Saciid Muuse ayaa amaradan lagu soo saaray.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________