Muqdisho | QOL | Maarso 24, 2019 –Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Maxamed Cabdi Waare oo Wareysi siiyay Warbaahinta Dalsan isaga oo safar Shaqo ugu maqan dalka dibadiisa gaar ahaan Jarmalka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan inay wada shaqeyaan maamulada dalka ka jira iyo dowladda Dhexe ,isla markaana la dhameystiro Dasuurka qabyadaha ah ee Dalka.
Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah si loo ogaado daqliga maamulada soo laga iyo kan soo gala dowladda,loona qeybsado Kheyraadka dalka ,isagoona xusay hadii intaas la sameeyo hormar wangaasan la gaarayo.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Madaxda maamul Goboleedyada dalka ugu baaqay inay si daacad ah u la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya wixii dhib jirana lagu dhameeyo Wadahadal si looga baxo is qab-qabsi markasto yimaada.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________