Muqdisho | QOL March 02, 2019 –Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ee Khamiistii ka dhacay caasimadda Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Francisco Madeira, oo ah Madaxa Howlgalka AMISOM iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama iyo goobaha kale ee ganacsiga uu yahay mid aan looga xumaado.
“Ujeedkooda ugu muhiisam waa iney hoos u dhigaan horumarka ay gaareen Dowladda Federaalka,dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,saaxiibadooda ku howlan horumarinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayuu Madeira ku yiri war qoraal ah uu soo saaray.
Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa muujiyay taageerada uu u hayo xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada soo gaartay.isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay in si dhaqsi ah u soo bogsadaan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________