Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Shir ku yeeshay Golaha amniga dowlad Goboleedka Jubbaland,iyagoona soo saaray qodobo laamaha amniga ee Jubbaland lagu farayo sugidda Amaanka deegaanadaas.
Sidoo kale Jubbaland ayaa Musharaxiinta dooneysa in ay ka qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha la filaayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Jubbaland uga digtay in ay abuuraan waxkasta oo khalkhal amni horseedi kara.
Jubbaland ayaa cadeysey in Musharax kasta Amnigiisa ay sugayaan Ciidamada amaanka Jubbaland,isla markaana aan lana ogolaan doonin in musharaxiinta ilaalo gaar ah ay sameystaan.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta uga warbixiyay qodobada ka soo baxay Shirkii Magaalada Kismaayo ay ku yeesheen Golaha amniga Jubbaland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________