Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Maanta booqday waaxda dhul bixinta Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo.
Amar kasoo baxay dhawaan Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa Dawladda Hoose lagu furay in ay si dhaqso leh ku bilaabaan sharciyeenta dhulalka iyo dhismayaasha Magaalada Gaalkacyo oo aysan hada kadib jiri doonin cid meel aysan laheyn iska sheegata
Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta bilaabay qaadasha waraaqda lahaanshe dhul kaas oo si toos ah ay ugu sharciyeeyeen waaxda dhul bixinta ee Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo waxa uuna shacabka reer Gaalkacyo uu ugu baaqay in ay dhulalkooda sharciyeestaan si hadii isqabsi u yimaado sharciga loogu kala baxo.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu
_____________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________