Mogadishu | QOL | February 13, 2019 –Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Kaguta Museveni ayaa hadalkaasi u sheegay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay isku arkeen Shirweynihii 32-aad ee Madaxda Dowladaha Afrika ee lagu soo gebagebeeyey Xarunta dhexe ee Ururka Midowga Afrika oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Uganda waxa uu Madaxweyne Museveni kula taliyey Madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo Taageerayaal Maxali ah iyo Maleeshiyo Milliteri ah oo diyaar u ah inay si mutadawacnimo isugu xil-qaamaan inay ka shaqeeyaan Badbaadinta iyo Deganaanshaha dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray in haddii la tababaro Maleeshiyadda Mutadawaciinta ah inay u gudbi karaan inay noqdaan Ciiddanka Qaranka muddo 2 sanno gudaheeda.
“Waxaad u baahan tahay inaad dhisto Ciiddan Qaran, oo ay qeyb ka yihiin Daneeyayaasha Maslaxadda ee muhiimka iyo Odayaasha Beelaha in fikradda Mutadacwacnimadda laga dhigto Istaraatijiyad” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Yoweeri Museveni ku raacay in dadaalka lagu dhisayo Ciiddanka Qaranka ay marayso marxalladda qaabaynta qaab-dhismeedkooda.
Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu dhigiisa dalka Uganda ku casuumay inuu socdaal ku yimaado Somalia, si uu markhaati uga noqdo Soo-kabashadda Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia, tan iyo markii ay Ciiddanka Uganda yimaadeen Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM ee ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________