Mogadishu | QOL | February 09, 2019 –Wasiirka Beeraha & Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga Magaalada Izmir kula yeeshay kulan rasmi ah Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga Md.Beker Birlmidir ,kulanka ayaa ka dambeeyay martiqaad Wasiirka Turkiga u fidiyay Wasiirka Soomaaliya.
kulankooda ayaa waxaa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo labada Wasaaradood hore u galeen,waxaa sidoo kale Wasiirka Beeraha Sooamaliya uu ka dalbaday Wasiirka Beeraha in dhakhso loo hirgaliyo mashruuca biyo- xiraanka Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha Beeraha Wasiirka balanqaaday in dhakhso loo bilaabi doono.
Waxa sidoo kale la isku raacay in xarumaha cilmi baarista iyo fidinta Beeraha dalka Turkiga lagu tababaro aqoonyahanka Beeraha Soomaaliyeed qaybaha kala duwan.
ugu dambeyn waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood oo ka kooban 10 qof.
labada Wasiir waxay sidoo kale kawada-qaybgaleyn bandhiga Beeraha caalamiga 14-aad oo magaalada Izmir ka furmay, iyadoo ay kasoo qaybgaleen Ilaa 10 wasiir beereed.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________