Mogadishu | QOL | February 8, 2019 –Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii amniga Magaalada Boosaaso uu faraha ka baxay, islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceern dilal loo geystay Shacab iyo Madaxii Shirkadda DP World ee Boosaaso.
Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.
Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.
Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________