Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Dowladda Britain waxay cusbooneysiisay La-talinta dhinaca Safarka, iyadoo Muwaadiniintooda uga digay inay u socdaan qeybo ka mi ah Gobalka Xeebta ee dalka Kenya iyo Deegaanadda ku dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain ayaa lagu sheegay inay jiraan cabsi khataro weeraro ka dhici kara dhamaan dalka Kenya, gaar ahaan Nairobi, Gobalka Xeebta iyo Deegaanadda loo dalxiis tago ee ku hareeraysan magaallooyinka Mombasa, Malindi iyo Xuduudka Waqooyi ee Goballadaasi.
Qoraalka La-talinta dhinaca Safarka ee ka soo baxa dalka Britain waxaa lagu sheegay in dad ay ugu yereeen Argagixiso aad isugu hawlayaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Digniintaasi ayaa timid dhowr isbuuc kadib, weerarkii ay Alshabaab bishii hore ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi oo ay ku geeriyoodeen 21-qof oo mid ka mid ahaa Muwaadin British ah.
Dhinaca kale, shalay ayey ahayd, markii ay Safaaradda Maraykanka ee ku taalla magaalladda Nairobi uga digtay Muwaadiniintooda khataro weerar oo la filan karo inay ka dhacaan qeybo ka mid ah Kenya.
Safaaradda waxay sheegtay inay hayaan warar la rumeysan karo oo muujinaya inay dadka Reer Galbeedka noqon karaan bar-tilmaameedka weeraradaasi.
Qoraalka ka soo baxay Safaradda Maraykanka waxaa kaloo lagu sheegay in goobaha la beegsan karo inay ku jiraan qeybo ka mid ah Kenya, oo ay ku jiraan magaallooyinka Nairobi, Nayfaasha, Nanyuki, Deegaanadda Xeebleyda iyo meelaha caanka ee Dalxiisayaasha shisheeyaha.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________