Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi waxay shalay amartay in muddo 30-maalmood la sii hayo Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabo Yacquub Ciise Axmed, kaasi oo ay Maxkamaddu sheegtay inay suurtagal tahay inuu xiriir la lahaa Cali Saalim Gijunge oo ka mid ahaa Dagaalamayaashii Al-Shabaab ee fuliyey weerarkii bartamihii bishii hore lagu qaaday Hotelka Dusit ee Nairobi.
Dhinaca kale, Maxkamadda waxay amartay in muddo 21 maalmood Xabsiga lagu sii hayo 5 Eedeysane oo laga soo qabtay Degmadda Mandheera, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Xasan, Xasan Sheekh, Mire C/llaahi, Cali Isaaq Axmed iyo Yuusuf Mowliid Xamed,
Eedeysanayaasha ayaa lagu eedeynayaa inay u fududeeyeen xaaska Cali Saalim Gijunge oo lagu magacaabo Fiyolet Kemunto inay u soo gudubto gudaha dalka Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________