“Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare waxay ku qaadatay dhibaatadi Ugandha inuu ku xaliyo 15 maalmood, Yoweri Museveni waxay ku qaadatay dhibaatada Soomaaliya inuu ku xalin waayey 12 sanadood oo wali aysan fari ka qodneyn”…………..
Toronto | QOL | Febaraayo 04, 2019 – Qoraalkani wuxuu sharax kooban ka bixinayaa dagaalkii dhexmaray Ugandha iyo Tansaaniya, sababihii keenay, dawrkii Soomaaliya ka qaadatay dhex-dhexaadinta iyo heshiiski nabadraadinta ee labada dal la kala dhexdhigay. Xogta iyo macluumadka ku jira qolaalka wuxuu kaloo eegaya hadalkii ka soo yeeray Museveni, dawrka Jabhaddi Yoweri Museveni (FRONASA) ay ku laheyd dagaalki ka dhex qarxay Ugandha iyo Tansaaniya, kaalintii dowladda Soomaaliya ay ku laheyd badbaadinta Ugandha ee lagu dhiciseeyey duulaankii Jabhadda Museveni iyo ciidankii Tansaaniya ay ku doonayeen inay xukunka ka tuuraan Iddi Amin.
Marka hore waxaan filayaa in aad ka war heysaan hadalkii ka soo yeeray Museveni in uusan waxba ka duwaneyn ceebihii laga sheegi jiray Soomaaliya ee sumcadeedi lagu liidi jiray. Soomaaliya marka la xusaayo ceebaha ay leedahay inta badan waxaa lagu halqabsadaa waa qaran fashilmay, waxa lagu tilmaama inay hoy u tahay argagaxisada caalamka iyo burcad badeedka, wadanka ugu nabadgalyada xun, dalka ugu saboolsan iyo wadanka ugu masuqmaasuqa badan adduunka. Halqabsigan siyaasadeysan iyo takooridda Soomaaliya laga takooray ra’yulcaaalamka adduunka ee waayahaan dambe soo ifbaxday waxay keentay in siyaasiyiinta adduunka figrado khaldan ka qaatan Soomaaliya, si khaldana u fasiraan Soomaaliya in aysan ka jirin wax nidaamsan oo si hagaagsan u shaqeeya.
Sababahaas awgood, mowduuca qoraalkani waxan ku eegayaa in aan si hufan u qeexo hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museven iyo waxa ku kallifay inuu u gefo Soomaaliya oo aan aamin sanahay in aysan ku xirneyn oo kaliya ceebihii laga faafin jiray Soomaaliya, balse si aan muran ku jirin ay tusaale cad u noqonaysa cadaawad taarikheed oo sawir guracan ku reebtay saykolojiyadiisa afartameeyo sanadood ku dhawaad oo isbada socday.
Waxa ay taarikhda ogtahay in Afartan iyo todoba sano ka hor, ayaa ciidamo ka tirsan Jabhada (FRONASA) oo ku gaashaaman hub iyo ciidan gaaraya 1500 oo askari ayaa duulan dibadaha ah ku soo qaaday dalka Ugandha. Dagaalyahaniinta Jabhadda iyo ciidankii lixaadka lahaa ee ku soo duulay Ugandha waxa hogaaminaayey Yoweri Museveni oo qorshahiisu ahaa inuu xukunka ka tuuro madaxweynihii Ugandha Iddi Amin Dada, isagoo ciidan iyo taagero hagar la’aan ah ka helaayey madaxweynahi dalka Tansaaniya Julius Nyerere. Jabhaddii Museveni waxay dagaalo ba’an dhinaca xuduudda iskaga horyimaadeen ciidamada Ugandha oo joojin waayey weerarki Jabhadda oo ka hub iyo ciidan badnaa. Dagaalkaas oo socday muddo dhowr maalmood ah ayaa bilowday bishii September 16, 1972dii, iyadoo loogu gestay ciidamada Uganda khasaaroyin lixaad leh isla markaana Jabhadii ay soo riixday ciidanka Ugandha, gudahana u soo galeen meel 80 mile caasimada ka xigta Koonfur Galbeed.
Dagaaladii isdaba jooga ahaa ee Ugandha lagu gigilay waxay keentay in dayaaradihii ciidamada cirka Ugandha weerar ba’an ku soo qaadaan dhowr magaalo oo ka mid ah Tansaaniya oo 40 mayl dhinaca koonfureed ka xiga xuduudda Ugandha, taana waxay keentay ciidankii Tansaaniya inay toos u soo galaan dagaalka oo labada dal uu ka dhex bilowdo dagaal hubeysan. Waxa labada dhinac dagaalo qaraar oo isdaba joog ah ku dhex mareen deegaanada iyo magaalooyinka ku teedsan xuduudaha, waxa uuna dagaalka aad u kululaaday markii ciidamadii jabhadda iyo kuwii kale lagu soo xoojiyey ciidamo cusub oo dheerad ah oo ka soo tilaabay xuduudda Tansaaniya. Wixii intaa ka dambeeyey dagaaladii isdaba jooga ahaa ee labada dal ee dhaawaca iyo dhimashada isugu jiray wuxuu isku badelay hab gaashaanbuursi ay ku soo biiraan dowlado kale.
Iddi Amin oo ahaa madaxweynihii dalka Ugandha wuxu xogo rasmi ah ku helay in maagalada Dar-esalaam ay booqasho ku yimaadeen madaxweynaha Zambia Kenneth Kaunda iyo madaxweynaha dalka Hindiya V.Giri, halkaana ugu bilowday wadahadal lagu goorfeeyey xiisadda dagaalka ka taagan labada dal. Ujeedada kulankaas ayaa lagu sheegay in sedexda dal ay qorsheeyeen weerar lixaad led oo isugu jira cir iyo dhulba inay ku soo qaadaan dalka Ugandha. Weerarka waxa loo qorsheeyey dowlada Hindiya oo adeegsaneysa maraakiibteeda dagaalka inay duulaan xagga cirka ah ka soo qaado dhinca xeebta badweynta hindiya, sidoo kale dalalka Tansaaniya iyo Zambiya waxa iyagana loo qorsheeyey inay weerar lixaad leh ka soo qaadaan dhinaca xuduudda Tansaaniya.
Iddi Amin talo ayaa ku cadaatay! Waxa uu la kulmay wax uussanfileyn, waxaa qalbi jab iyo caro dheerad ah ku kiciyey marku arkay dalal shisheeye ah oo isgarabsanaya isla markaana la safan Tansaaniya iyo Jabhadii uu la dagaalamayey, kuna kaalmaynaayey dagaalyahano soo horkaca Jabhada iyo hubkii ugu dambeeyey. Iddi Amin wuxuu si dhab ah u ogaaday in uussan talada dalka ku waari doonin haddii uu dagaal la galo Tansaaniya ay ka garab dagaalamayaan Jabhaddo iyo dalal shisheeye, saa awgeed wuxuu safar qarsoodi ah oo aan la shaacin ku yimid magaaladda Muqdisho.
Iddi Amin iyo wafdigiisa waxay kulan saacado badan la qaateen madaxweynihii Soomaaliya S/Gaas Maxamed Siyaad Bare (AUN), wuxuu kulankaasi ku falanqeeyey xaaladda dalka Ugandha, dagaalada ka socda iyo burburka Uganda ay qarka u saaran tahay. Iddi Amin mar uu arinkaas ka hadlaayey wuxuu soo hadal qaaday sababta uu Muqdisho u yimid ay ku lug leedahay Soomaaliya inay badbaadiso dalka Ugandha oo door miletari iyo mid diblomaasi ay ka ciyaarto si loo baajiyo qatarta kaga soo wajahan dalka Tansaaniya. Wuxuu kaloo daboolka ka qaaday in sirdoonka Ugandha ay heleen xogo rasmi ah oo sheegaya inay dhaqdhaqaaq miletari ay wadaan madaxweynaynaha Zambia Kenneth Kaunda, madaxweynaha Tanzaniya Julius Nyerere, madaxweynaha Hindiya V.Giri iyo madaxweynaha Ruwanda Grégoire Kayibanda, ayna dhamaantood doonayaan iyagoo isticmaalaya xoog miletari iyo borobagaando inay dalka la wareegaan, ka gadaalna soo celshaan madaxweynihii hore Ugandha Milton Obote.
Wuxuu kaloo sheegay inay heleen cadeymo rasmi ah oo sheegaya ciidamo ka tirsan Tansaaniya iyo Zambiya oo gaaraysa 10,000 kun oo askari ay ka soo kicitimayaan xuduuda Tansaaniya, ayna doonayaan inay u soo gurmadaan ciidanka Jabhada iyo kuwa Tansaaniya ee go’doonsan iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen dalka Ugandha. Saa awgeed Iddi Amin wuxuu madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday inuu gacan ku siiyo sidu u difaaci lahaa sharafka iyo madax-bannaanida dalka Ugandha, taana waa ka yeelay madaxweyinii Soomaaliya.
Sida aan maqlay, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Idi Amin u sheegay inay Soomaaliya waajib ku tahay inay difaacdo weerar kastoo oo dibada ah oo lagu qalqalgalinaayo qarannimada Ugandha iyo u dagaalanka wadankastoo Afrikaan ah oo doonaya inuu soo dhacsado gobannimadiisa siyaasiga ah. Wuxuu kaloo Iddi Amin u sheegay in ciidamada Soomaaliya aan loo dhisin oo kaliya inay difaacan midnimada dhuleed ee Soomaaliya, balse dhismahooda lagu waafajiyey inay ka dagaalamaan meelo fog fog si ay u xoreeyaan dadyowga afrikaanka ah ee wali ku hoos jira gacanta gumeysiga.
Madaxweynihii Soomaaliya wuxuu markiiba shirweyne deg deg ah isugu yeeray golahii sare Kacaanka, waxayna dhamaantood ka wada doodeen sidii loo difaaci lahaa xukuumadda Iddi Amin. Kulankaas oo qaatay saacado badan kadib, wuxuu golaha isku raacay iyagoo cuskanaaya qodobka 4aad ee siyaasadda arrimha dibadda ee dowladdi Kacaanka in la badbaadsho xukuumadda Iddi Amin iyo sidii loo taabo-galin lahaa si nabadgalyo ah in lagu dhameeyo xiisadda ka taagan labada dal iyadoo dalka Ugandhana laga badbaadinayo weerar dibadda ah in aan looga faa’ideysan. Waxaa kaloo aad loo falanqeeyeen qaabkii ciidamada Soomaaliya loogu daadgureyn lahaa dalka Ugandha, cutubyada ay ka kooban yihiin, halwgalkoodu waxa uu noqonayo iyo qalabkooda dagaalka. Mushkilada ugu wayn waxay noqotay qaabki ciidamada loogu daadgureyn lahaa Ugandha iyo khadki hawada ee lagu gaari lahaa gegida Entebbe.
Tusaale waxaan u soo qaadanayaa marki labada dal uu ka dhex bilowday dagaalka bishii September 16, 1972dii, waxay keentay in dhamaan dalalka xuduudaha la wadaaga Ugandha ay bilaabeen inay si foojigan ula socdaan dhaqdhaqaaqa marinka hawadooda iyagoo ku andacoonaya inay ka hortagaan ciidamo shisheeye oo u soo gurmada Ugandha ama ka qeyb qaata dagaalada ka dhex bilowda labada dal. Ugandha waxay xuduud la wadaagta Congo, Sudan, Brundi, Tansaaniya iyo Kenya. Arrintaasi waxay dhelisay in dowladda Soomaaliya ay ku adkaato qaabkii ciidan ahaan loogu gurman lahaa dalka Ugandha. Teeda kale, Muqdisho iyo Kambala dhinaca hawada waxay isku jiraan Masaafo dhan 1442.9km (778.6 nautical mile) ama duulimaad toos ah oo qaadanaya laba saac iyo washey. Dhinaca kale marka Soomaaliya laga duulo, khadka hawada ugu gaaban ee lagu gaari karay Ugandha waxay aheyd iyada oo la maro hawada Kenya, haddii Kiinya ay diido hawadeeda waxaan kaloo heysanay fursad ah inaan u duulno dalka Masar, kadibna loo sii dhaafo dalka Suudaan, sidaana lagu gaaro gegida dayuuradaha Entebbe.
Nasiibdaro, 17dii Sebtember, dowlada Sudaan waxay soo saartay bayaan ay ku cadeyneyso inaysan hawadeeda dul mari karin dayuurad ciidan ah oo ku sii jeeda dalka Ugandha, taana waxay daliil cad u ahayd mashaakilki ka dhashay markii shan dayuuradood oo kuwa xamuulka ah oo laga leeyahay ciidamada Cirka Liibiya ay codsadeen inay dul maraan hawada Sudaan iyagoo ku sii jeeda gegida dayuuradaha Entebe. Dowladda Suudaan waxay shantii dayuuradood ku wargalisay inaysan fooda soo galin hawada Suudan oo ku laabtaan Liibiya ama ku soo degaan gegida Khartuum si loo ogaado waxa ay sidaan. Waxa lama huraan noqotay shantii dayuuradood inay soo caga dhigteen Khartuum, ka gadaalna waxaa la ogaaday inay sideen hub iyo ciidan gurmad ah oo ku sii jeeday Ugandha. Wadahadal dhexmaray labada dal waxa go’aan lagu gaaray shantii dayuuradood inay dib ugu taabtaan Liibaya, hase yeeshee markii dayuuradaha ay ka duuleen gegidii Khartuum meeshii ay ka aadi lahaayeen Liibaya waxay toos ugu dageen gegida dayuurada Entebbe ee Ugandha. Go’aankii qaldanaa ay qaateen shantii dayuuradood wuxuu ahaa mid dhaawac weyn ku dhuftay xiriirka labada dal oo markii dambe ay xaliyeen Ururka Jaamacad Carabta iyo Ururka Islaamka.
Haddaba dowladda Soomaaliya oo taas ogeyd, waxaa aad ugu adkaatay khadkii hawada ee lagu gaari lahaa Ugandha, balse waxa lama huraan noqotay in wax laga bedelo istaraatijiyaddii daadgureyna ciidanka. Waxa la qorsheeyey in la adeegsado diblomaasiyad iyo istaraatijiyad cilmiyeysan oo horey aan looga fulin qaarada Afrika. Waxa la gudoonshay in Ugandha lagu tago qaab nabad illaalin ah si afgaranwaaga dhexyiilay labada dal lagu xaliyo qaab Afrikaanimo ah, iyadoo laga hortagaayo ciidan shisheeye inay soo farageliyaan Ugandha. Qorshahaas si looga miro dhaliyo bishii Seteember 21-keedi, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Amin iyo Nyerere u soo bandhigay inuu dhexdhexaadiyo, una soo dirayo ciidan nabad ilaalin ah oo kala dhexgala labada dal, qolo kastaana loo oggolaan doono inay hesho xaqeeda, taana way ka ogolaadeen.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu talo badan siiyey Iddi Amin iyo Julius Nyerere si jid loogu furo wada xaajoodka labada dal, wuxuuna labada dal ugu baaqay shir nabadeed inuu ugu qabto magaalada Muqdisho. Bishii Sebtember 21-keedi, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Amin iyo Nyerere ka codsaday sida kaliya ee lagu xalin karaa mushaakilka inay tahay si ku meel gaar ah in loojoojiyo dagaalada inta ay socdaan wadahadalka. Teeda kale wuxuu si gaar ah ugu codsaday Amin inuu joojiyo duqeymaha dhinaca Cirka uu la beegsanayo deeganada Tansaaniya ee ku dhaw xuduuda Ugandha, sidoo kale wuxuu Nyerere ka codsaday inuu ciidamadiisa ka daadgureeyo xuduuda.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu gacantiisa ku qoray shan qodob oo hordhac u ah sharuudaha heshiiska nabadraadinta labada dal, wuxuna dhambaalki ay ku qornaayeen qodobada heshiiska u dhiibay wasiirkiisa arrimaha dibadda Cumar Carte Qaalib si loo gaarsiiyo labada madaxweyne. Bishii Sebtember 24-keedii, labada madaxweyne Amin iyo Nyerere waxaa loo gudbiyay dhambaalki heshiiska ee mudane Cumar Carte Qaalib ka waday S/Gaas Maxamed Siyaad Bare, wayna aqbaleen shantii qodob uu see jeedshay.
Waxaa mira dhashay xeeshii iyo diblomaasiyadii istaraatijiga aheyd ee Soomaaliya dheeshay, waxaa la helay fursadii lagu daadgureyn lahaa ciidamada Soomaaliyeed, waxa lagu guuleystay fursadii lagu badbaadin lahaa Ugandha laguna kala dhexgali lahaa labada dal iyadoo laga hortagaayo faragali shisheeye. Waxaa markiiba dalka Ugandha loo diray ciidan Soomaaliyeed oo nabad illaalin ah oo kala dhexgala labada dal isla markaana ilaaliya madaxweynaha dalka Ugandha Iddi Amin. Ciidankaas oo ka koobna dhaqaatiir iyo cutubyo Kommandos ah waxaa hogaaminaayey S/Guuto Nur Cadow Cali, waxayna u tababarnaayeen inay fuliyaan howlgalada gaarka ah sida: difaaca madaxda qaranka, dagaalada tooska ah iyo kuwa qarsoon, soo badbaadinta madaxda afduuban, burburinta iyo qarabudaada bartilmaameedyada istaraatijiga ah, nabad illaalinta, cuuryaaminta wadooyinka isgaarsiinta cadowga u soo maraan sahayda iyo hawlaha sirdoonka cadowga ee la xariira ogaashaha awoodda cadowga, tayadiisa, hubka uu sito, tabaha ay u dagaalamaan, goobaha laga weerari karo iyo halkay usoo maraan logistikada.
Ciidankaa waxaa lagu daadgureeyey dayuuradihii xamuulka ay la haayeen ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Antonov-24 iyo Antanov-26, duuliyeyaashi Soomaaliyeed waxay qaateen khatka hawada Keyna oo markaa si diblomaasiyadeed ay dowlada Kenya ula socdeen dhaqdhaqaaqa dayuuradaha ciidanka Soomaaliyeed oo hawlgalkoodu ahaa nabad illaalin, sidaa ayeyna ciidankii Soomaaliyeed ku gaareen gedida dayuuradaha Entebbe.
Dhinaca diblomaasiyadda caalamiga, xiligaa Soomaaliya waxay aheyd dal quwad leh oo ka tilmaaman qaaradda Afrika, marka laga eeggo dhinaca gaashaandhiga, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta afaraad marka laga yimaado South Africa, Masar iyo Nayjeeriya. S/Gaas Maxamed Siyaad Bare wuxuu ku goodiyey in ummadda Soomaaliyeed aanay gacmaha ka laaban doonin haddii dowlado shisheeyey ay ku soo biiraan dagaalka ka dhextaagan labada dal, wuxuu kaloo ka digay qaaradda Afrika oo ka soo kabaneysa darxumadii gumeysiga biday inaan dagaal loo horseedin oo laga fogaado dhibaatada ka iman karta dowlado shisheeye oo soo faragaliya labada dal ama banaanka ugu yimaada.
Maxadweynihii Soomaaliya wuxuu markiiba abaabulay ururka Midowga Afrika inuu kulan deg deg ah ka yeesho faragalinta shisheeyaha iyo dagaalada ba’an ee ka taagan labada dal oo si wada jir meel loogu soo jeesto. Madaxweynaha wuxuu ku dadaalay sidii loo baajin lahaa si midba midka kale u raadsado gaashaanbuuri oo dagaalku noqdo mid la caalamiyeeyo. Wuxuu xiriir dhinaca isgaarsiinta la sameeyey Boqor Xassan-kii 2aad ee Marooko oo markaa ahaa gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo odayeeshi Afrika sida: madaxweynihii Kenya Jome Kenyatta, maxadweynihii Masar Anwar Sadad, boqorki Itoobiya Haile Selassie, madaxweynihii Algeriya Boumedienne, madaxweynihii Guinea Sekou Toure, madaxweynihii Kongo Mobutu Sese Seko, madaxweynihii Liibiya Muammar Gathafi iyo madaxweynihii Tuunisiya Habib Bourguiba.
Dadaalkii madaxweynaha Soomaaliyeed ma yareyn, wuxuu xil balaaran iska saaray inuu xaliyo is-afgaranwaagi dhexyiilay labada dal isagoo qeyb weyn ka qaatay xoojinta iyo heshiiski nabadeynta labada dal. Waxaynu xasuusan nahay oo in la sheego istaahila markii madaxdii kale ee qaaradda Afrika ay ku guuldareysteen dhexdhexaadinta Ugandha iyo Tansaaniya, waxa adduunka iyo qaarada Afrika la yaab ku noqotay sida madaxweyniha Soomaaliya ugu mintiday nabadraadinta labada dal, uguna guuleystay si nabadgalyo ah inuu ku dhameeyo khilaafka labada dal dhexyiilay. Wuxuu qeyb weyn ka qaatay badbaadinta Ugandha isagoo ka hor istaagay marnaba inaysan u suurta galin Jabhadii iyo ciidankii Tansaaniya ku soo duulay Ugandha inay xukunka ka tuuraan Iddi Amin.
Madaxweynaha Soomaaliya isagoo ka wakiil ah sharafkii ummadda Soomaaliyeed waxa uu magalaada muqdisho ku qabtay kulan dhexdhexaadin ah oo heshiis nabadeed ay ku gaaraan labada dal. 3dii Oktoober 1972dii, waxa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran ay kala hogaaminayeen wasiirka arrimaha dibadda Uganda Wanume Kibedi, wasiirka arrimaha dibadda Tansaaniya John Malecela iyo xoghayihii Ururka Midowga Afrika Nzo Ekangaki oo si diiran oo saaxibtinimo leh loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho. Wafdiga booqashadoodu waxay aheyd inay ka qeyb galaan kulankii dhexdhexaadinta labada dal. Maalintii xigtay wafdigii ka socday labada dal waxa u bilowday shirkii 1aad oo socday saacado badan oo aan loo kala kicin, waxana kulankaa uu fursad wanaagsan siiyey in xali nabadeed laga gaaro khilaafka intiisi badneyd.
Kalfadhigii labaad waxa leysku soo laabtay maalinnimadii xigtay 5tii Oktoobar 1972dii, kadib Maxamed Siyaad Bare oo talooyin u soo jeediyey labada ergo ayaa waxay tusaalooyinkiisi wax badan ka tareen in lagu guuleysto heshiis nabadeed oo taarikhi ah inuu kala dhexdhigo dalalka Ugandha iyo Tansaaniya. Go’aanadii dhexdhexaadinta ee shirkaa lagu gaaray waxa labada dal u saxiixay wasiiradii arrimaha dibadda Ugandha Wanume Kibedi iyo John Malecela, waxa kaloo wadahadaladaas goobjoog ka ahaa maxadweynaha Soomaaliya S/Gaas Maxamed Siyaad Bare, wasiirki arimha dibadda Soomaaliya Cumar Carte Qaalib iyo xoghayihii Ururka Midowga Afrika Nzo Ekangaki.
Markii la gaaray 6dii Oktoober, wafti lixaad leh uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa u duulay dalka Tansaaniya iyo Ugandha si ay ugu qeyb galaan kulankii lagu heshiisinaayey labada madaxweyne Iddi Amin iyo Julius Nyerere. Dhambaalka heshiiska oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa labada madaxweyne lagu heshiisiiyey 7dii Oktoober, 1972kii, taana waxay sharaf iyo amaan u soo jiiday magaca madaxweynaha iyo dhamaan shacbiga Soomaaliyeed.
Ciidankii Soomaalida hawlihii qaaya weynaa ay ka qabteen Ugandha waxaa ka mid ahaa inay ahayeen Kooxdi u qaabilsaneyd kormeerka ee goobjoog ka ahaay 19kii Oktoober 1972kii, howlihii balaarna ee lagu kormeerayey fulinta qodobadii lagu heshiiyey sida: xabad joojinta labada dhinac, kala qaadista labada ciidan, baaritaan cabashooyinka xabbad joojinta, xalinta dhibaatooyinka bani’aadamnimada, joojinta isku dhacyada hubeysan, kala daadgurenta labada ciidan iyo inay ku laabtaan xuduudda in ka baxsan 10km si loo baajiyo isku dhacyada miletari ee midba midka kale ku bilaabi karo dagaalka iwm.
Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo lagu qaddarinaayo doorka dhexdhexaadinta uu ku lahaa heshiiski nabadraadinta ee la kala dhexdhigay Ugandha iyo Tansaaniya, kuna muujiyey difaaca iyo taageradi xaqa aheyd ee hiil iyo hooba uu la garab istaagay dalka Ugandha ayaa wuxuu ku muteystay in lagu sharfay 23kii Oktoobar 1973dii, in loogu magac daro waddo ku taal bartamaha magaalada Kambala loona bixiyey “Maxamed Siyaad Barre Avenue”. Taana waxay calaamad taarikheed u tahay xiriirka gacaltooyada leh ee ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Ugandha, waxay kaloo sharaf iyo amaan qaaya leh u noqotay maxadweynaha Soomaaliya S/Gaas Maxamed Siyaad Bare inuu ka tago dhaxal taarikheed oo labada dal ee Soomaaliya iyo Ugandha ay ku xasuusato.
MUSEVENI IYO CUQDADA KU DUUGAN
Quursigii dahsoona ee Museveni ka soo yeeray masuuliyad iyo diblomaasiyad wuu ka marnaa, wuxuu u hadlaayey qof xanaaqsan oo caytamay oo waxba aan ula harin dadka Soomaaiyeed. Waxaa inagu haboon in aynu garowsano sababta Museveni maalin walba u aflagaadeeyo Soomaaliya oo xishoodka uga sii tageyso. Waxaan isku deyayaa in aan muujiyo dabciga iyo cuqdada ku astaameysan saykolojiyada Museveni anigoo ifinaya dhinaca taarikhda wuxuu tabanayo.
Sida ii muuqata Yoweri Museveni waxa uu tabanaya cuqdo taarikheed oo Soomaalida inteeda badan aysan fahamsaneyn balse ka turjumeysa dhacdadii waagaas xukuumadda Soomaaliya ku hor joogsatay hankii iyo damacii uu ku doonayey afartan iyo todoba sano ka hor inuu kula wareegto talada Ugandha iyo eexdii looga hiiliyey Iddi Amin Dada. Wuxuu kaloo tabanayaa kaalintii dowladda Soomaaliya ay ku badbaadisay Ugandha ee lagu dhiciseeyey ujeedadii gardarrada aheyd ee Jabhadi uu hogaaminayey iyo ciidankii Tansaaniya oo labaduba doonayey inay la wareegaan Ugandha.
Wuxuu kaloo tabanayaa diblomaasiyadii xeel-dheereyaalka Soomaaliyeed ay u dajiyeen Ugandha in looga difaaco duulaanki Museveni iyo ciidamadi Tansaaniya, baaqi xukuumada Soomaaliya ay soo saartay ee lagu sanduleeyey Jabhadii Museveni iyo ciidankii Tansaaniya si deg deg ah inay ciidamadooda ugu daad-gureeyaan goobta dagaalka kuna laabtaan xuduudii ay ka soo qaadeen dagaalka 16kii Seteember 1972di. Haddaba intaas oo guulo ah oo dowladii Soomaaliyeed ku badbaadisay taliski Iddi Amin inuu sii jiro waxay jug xooggan iyo dherbaaxo siyaasadeed, mid miletari iyo mid diblomaasi ay ku noqotay Jabhadii Museveni iyo dalalkii Afrikaanka ee dhamaantood laga hor istaagay inay xukunka ka tuuran Iddi Amin.
Haddaba iyadoo Museveni ka shidaal qaadanayo xaaladahaas murugsan ee noloshiisa soo food saartay ee sawir guracan ku reebtay saykolojiyadiisa marka laga soo bilaabo waagii uu ku soo duulay dalka Ugandha 1972dii oo Soomaaliya ay fashilisay, iyo illaa laga yimaado 1986kii oo ku beegneyd sanadkii uu bunduq caaradii kula wareegay talada Ugandha oo laga joogay 14 sano uu dagaal kula jiray Idi Amin (1971–79) iyo Milton Obote (1980–85), oo dhamaan dhacdooyinkaas isbiirsaday ka turjumayso sababta keentay Museveni inuu naceyb u qaado Soomaaliya oo maalin walba uu caayo, una arko inay ka lunsheen 14 sano oo nolol ah iyo hankii uu ku taamayey.
Maammaah Soomaaliyeed ayaa oraneysa “Nimaan aarsan uurka habartiisuu ku jiraa”! Suurtagal ma tahay marka laga reebo ceebaha Soomaaliya uu ku tuur tuuro, inay Museveni u qorsheysan tahay inuu ka aarguto Soomaaliya, lugooyo ama ka lunsho 14 sano iyo in ka badan oo nolol ah isagoo ciidankiisa ku dul hayo. Quursigii Museveni ka soo yeeray iyo halqabsigii uu ku lahaa Soomaaliya ma laha dawlad meel dhexe oo qura laga wada maamulo iyo nidaam si hagaagsan u shaqeeya wuxu arrinkaa ula jeeday inuu fashiliyo horukaca ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya isla markaasina indhaha ra’yulcaaalamka adduunka ku soo jeedsho Soomaaliya inay tahay meel fool adag oo nidaam hagaagsan uussan ka jirin, saa awgeedna loo baahan yahay inaan la dayicin.
Sumcadda iyo sawirka xun uu ka baxshay Soomaaliya waxay suurtagalineysaa inay wali sii jiraan figradihii xumaa ee caalamka ka qabay Soomaliya sida: dowlad xumo, nabadgalyo xumo, gaajo, burcad badeed, xagjirnimo, musuqmaasuq, tuugsi, jiil ummadeed oo wasaqeysan, qaxooti, iyo iska hor imaadyada qabiilka, taana waa midda uu ku doonayo sanado badan oo soo socda inuu ciidankiisa ku sii hayo Soomaaliya iyadoo la ogyahay 12kii sano ee la soo dhaafay wixii ay qabteen ciidankiisa. Maxamed Siyaada Bare wuxuu dhibkii Ugandha ku xaliyey 15 maalmood (21kii Sebtember illaa 7dii Oktoober), Museveni waxay ciidankiisa nala joogaan 12 sano, haddana waxaa ku soo fool leh waqtigii ay ka bixi lahaayeen Somaaliya sannadka 2021 oo soo koobeysa 14 sano oo waxqti lumis ah. Anigase far ayaa ii taagan inay dalka ka bixi doonan!
Ugu dambeyntii waxaan oran lahaa Museveni dhawaaqiisa wuxuu ahaa mid cadaawad ku duugan tahay iyo arrimo salka ku haya qorshe istaraatijiyadeed oo qoto dheer, laakiin waxa haboon darsin taarikheed in aan ka barano sidii aynu ahaan jirnay iyo jabka maanta nagu dhacay oo keentay in Qarankii Soomaaliyeed uu rahaamad u heysto Museveni oo taarikh xun ina dhexmartay, maantana uu fursad u helay inuu aarguto. Maamaah ayaa oraneysa: aargudashada ugu fiican waa midda cadowgaaga aad ugu muujineyso inaad ka nolol iyo awood badan tahay si noloshooda ay taada ugu xiraan. Soomaali Eebbe ha xafido!!!
.
.
Hassan Ahmed Sheikh
Canada
sinandoon@outlook.com
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America
___________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________