Muqdisho | QOL | Janaayo 28, 2019 —Magalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacbaka Soomaaliya ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi (Dheere).
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah, Cabdullaahi Sheekh Maxamed, Isaaq Khaliif Sheekh, Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur iyo Xasan Macalin Ibraahim .
Musharixiinta tartantay ayaa waxaa ay codadka u kala heleen sidatan.
1: Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo helay 35 Cod
Isaaq Khaliif Sheekh oo helay 4 Cod
3: Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur oo helay 2 Cod
Iyo Xasan Macalin Ibraahim oo aan wax cod ah helin.
Hal Cod ayaa halaabay,waxaana sidoo kale Ergada wax dooraneysay ka maqnaa laba Xubnood,waxaana Guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqeen in Cabdullaahi Sheekh Maxamed uu ku guulesytay in uu ka mid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________