Muqdisho | QOL | Janaayo 26, 2019 —Dacwad-oogayaasha Federalka Ethiopia waxay dacwado ku soo oogi doonaan Madaxaweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar iyo Tobanaayeo Saraakiil la shaqeyn jirtey, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay kicin lahaayeen dagaal sokeeye, isla markaana ay amreen Tacadiyo ay ku jiraan Qoor-goyn, waa sida hadalka loo dhigay.
Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la xiray, kadib, dagaal 3 maalmood ka dhacay caasimadda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga bishii August ee sannadkii hore.
Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Ethiopia ayaa soo saaray War ku aadan in Baaritaan socday 5 bilood kadib ay go’aamiyeen in Cabdi Mxaamuud Cumar iyo 45 Saraakiil la shaqeyn jirtey oo 40 ka mid ah weli baaxsad yihiin la soo taago Maxkamad.
Agaasimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xeer ilaalinta Ethiopia, Zinabdu Tunu ayaa u sheegayWeriyayaasha in Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar geysteen Tacadiyo, iyadoo dad badan nolosha lagu gubay, kuwo surka laga jaray iyo kuwo kale oo la jir-dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka waxa uu sheegay in 48 qof la dilay, 266 kalena lagu dhaawacay intii ay socdeen iska horimaadyadii Qomiyadda Soomaalida iyo Oramada dhex maray
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________