Muqdisho | QOL | Janaayo 26, 2019 —Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah ay ka dhacdo munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Shalay Magalada Garoowe waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Madaxda Dowlad Goboleedyada,Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadeed qaarkood,gaar ahaan Xisbiyada ay kala hoggaamiyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
Amniga Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kusii qul qulayay dad u badan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka oo Garoowe u arka inay tahay Goob ay kusoo bandhigi karaan dhaliilaha ay u qabaan dowladda Soomaaliya.
Garoowe ayaa markii ugu horeysay waxaa ay kulmisay Siyaasiyiin ku kala aragti duwan xaalka Siyaasadeed ee dalka,waxana Maanta la filayaa in uu halkaasi u gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah Madaxda Xaflada lagu casuumay.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________