Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Wararka Caawa naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa bambaanooyin lagu weeraray Hoyga uu Magalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,marna soo noqday Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed,hayeeshee uu markii dambe is casilay.
Rag la sheegay inay wateen gaari ayaa Hoyga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan bambaanooyin ku weeraray,waxaana lagu soo waramayaa in bambaanooyinkaas ay ku dhaawacmeen Afar ruux oo mid ka mid ah ilaalada Xildhibaanka uu yahay iyo qof wadada marayay.
Xilliga Guriga bambaanooyinka lagu weerarayay ayaa la sheegay in xildhibaanka uu gudaha ku jiray,isla markaana wax khasaaraha ah uusan ka soo gaarin marka laga reebo dhaawaca mid ka mid ah ilaalada iyo Nin Oday ah oo wadada marayay
Dadkii bambada ku tuuray Guriga Xildhibaanka ayaa goobta ka baxsaday,waxaa sidoo kale Xildhibaaa xusid mudan in Xildhibaanka Caawa Gurigiisa bambada lagu weeraray u dhaxda Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Madeer.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________