Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Qurbo-joog Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa la sheegay inuu iska tuuray Dabaqa 4-aad dhismo ka kooban 5 Dabaq oo ku yaalla magaalladda Jidda ee dalkaasi.
Muwaadin Sacuudiyaan ah oo marayey halka uu maydku yaalla, ayaa ku wargeliyey Hay’addaha Ammaanka, kuwaasi oo soo gaaray isla goobtii.
Ciiddan Roondo oo ka tirsan Boliska Degmadda Samiir iyo Ciiddanka Difaaca Maddaniga iyo Kooxaha ku takhasusay Dembi-baarista ayaa gaaray goobta uu yaalla maydka, waxayna ururiyeen dhamaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan qaabka uu Ninkaasi isaga soo tuuray Dhismaha Dabaqyadda.
Boliska Sacuudiga ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu Ninka Soomaalida isaga soo tuuray Dhismahaasi, iyadoo maydka Marxuumkaasi la dhigay Isbitaal ku yaalla Jidda, sida uu qoray Wargeyska Gulf Digital Online ee ka soo baxa dalka Baxrayn,
Wargeyska ma uusan sheegin magaca Marxuumka Soomaalida ee dhacdadaasi ku geeriyooday.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________