Muqdisho | QOL | January 15, 2019 – Telefishinka Citizen TV waxa uu goor dhow sheegay in Qarax xooggan oo ay xigeen rasaas culus laga soo weriyey Xaafadda Westlands ee magaalladda Nairobi.
Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegay in abaarihii 3-dii galabnimo ee Xilliga Afrikada Bari uu qaraxu ka dhacay meel ka baxsan mid ka mid ah Dhismayaasha ku yaalla 14 Riverside ee xaafadda Westlands ee Nairobi.
Sawirka gaari uu dab qabsaday iyo qiiq xooggaan oo laga arkayo Deegaankaasi ayaa la soo dhigay Baraha Bulshadda.
Dadku waxay ku xaniban yihiin Dhismayaasha, iwaxaana la soo werinayaa in qof Shiish-yhan ah uu saaran yahay mid ka mid ah Dhismayaasha.
Xaalladda ayaa weli cakiran, iyadoo Bolis badan loo daad-gureeyey deegaanka ay qaraxa iyo rasaasta ka socoto.
Lasoco wixii ku soo kordha Insha Allaah.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________