Muqdisho | QOL | Janaayo 13, 2019 –Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya.
anteenooyin ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa
Waxaa uu sheegay anteenooyin la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah degaanka looga isticmaalaayay.
Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya, waxaana Shabaab dhankooda ay sheegtay in ay la wareegeen Gacan ku heynta degaankaasi.
Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________