Muqdisho | QOL | Janaayo 12, 2019 –Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa Maanta waxa ay maanta Shir gudoomisay shirka isbuuc laha oo ay isugu yimaadeen Agaasimayasha Waaxyaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas.
Kulanka waxa aad loogu falanqeyay Tubta dhaqaalaha iyo Qorshaha sanadka 2019 oo ay Wasaaradu hiigsaneyso.
Wasiir Maryan aweys Jaamac ayaa ku dhiirigelisay Agaasimeyaasha kala duwan ee Wasaarada Shaqooyinka ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed,iyada oo ku boorisay inay sii xoojiyaan.
Shiraan ayaa todobaadkiiba mar waxaa isugu yimaada Agaasimayasha Waaxyaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya,waxaana lagu gorfeeyaa Shaqooyinka adage e horyaalla Wasaaradda.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________