Muqdisho | QOL | January 09, 2019 — Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta waxay kulan deg deg ah la qaateen taliyaasha iyo saraakiisha ciidamada Puntland.
Kulankaan oo ka dhacay guriga uu degan yahay Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa ku aadana adkaynta iyo dar-dar gelinta xaaladda ammaanka Puntland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay Saraakiisha Ciidamada dadaallada ku aadan suggitaanka Ammaanka degaanada maamulka iyo sidii ay adkeyeen Amaanka Garowe xilligii doorashadda.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________