Garowe | QOL | January 8, 2019 – Kadib doorasho saacado socotay oo ka dhacday magaalada Garowe, waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.
Doorashadan ayaa la isla gaaray wareega seddexaad ee doorashada waxaana ku tartamay Saciid Cabdullaahi Deni iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi.
Labada Musharax ayaa kala helay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35 iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi oo helay 31
Sidaas ayaa waxaa lagu shaaciyay in Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland shanta sano ee soo socoto.
Doorashada oo ay ku tartamayeen 21 Musharax ayaa waxaa kusoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ahaa musharixiinta loogu hadal heynta badnaa doorashada.
.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________